Sheekh Shariif Oo Balan Qaaday In Aysan Dhibaato Ka Shaqeyn Doonin

18

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada dhacaya, xili weli uu muran ka taagan yahay.

Sheekh Shariif oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan ay aheyd in dalka ay ka socdaan howlaha doorashooyinka, hayeeshee aysan dhicin arrintaas, isagoo ku tilmaamay nasiib darro dhacday.

Waxaa uu sheegay Musharax Shariif in muhiim ay tahay in 8-da bisha Febraayo kahor khilaafka ka taagan doorashada xal laga gaaro, si doorashada waqtigeeda ugu dhacda, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhammeeyo qaab wada-hadal.

Sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxda dowladda ugu baaqay in heshiis laga gaaro caqabadaha ku hor gudban, sidoo kalena uu xusay in Musharaxiinta ay dadaalada ka qeyb noqon doonaan, si xal loo gaaro.

Ammaamka dalka Soomaaliya ayuu Sheekh Shariif tilmaamay in meel adeg uu marayo loona baahan yahay in wax laga qabto, maadaama uu sheegay in Al-shabaab ay culeys ku hayaan amniga dalka,  arrintaasna uu xusay in ay saameyn ku yeelaneyso shacabka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa balan qaaday in marnaba aysan shaqeyn doonin in wax dhibaato u keenaya shacabka iyo dalka, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii loo horumarin lahaa dalka  Soomaaliya.G