Beesha Caalamka oo shir isugu keenaysa madaxda DFS iyo kuwa M/goboleedyada.

12

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya xubnaha beesha Caalamka ay wadaan dadaalo ku aadan sidii shir isugu imaan lahaayeen madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, si loo dhameeyo is mari waaga ka taagan doorashada iyo inuusan dalka ka dhicin firaaq dastuuri ah.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo soo aadan ay kulan isugu imaan doonaan madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada, iyadoona garwadeyn ay tahay beesha caalamka.

Waxaa wali taagan ismariwaaga la xiriira hannaanka doorashada Soomaaliya, xilli uu waqtiguna aad usoo dhawaanayo, laakiin garabyada mucaaradka ayaa u arka beesha caalamka in ay tahay rajada kaliya ee xal lagu heli karo.

Labo ka mid ah shanta maamul goboleed ee hoos yimaada federaalka Soomaaliya ( Jubbaland iyo Puntland) ayaan ka dhex muuqanin hannaanka doorashada, inkastoo saddexda maamul goboleed ee kale (Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed) iyo gobolka Banaadir ay xukuumadda federaalka la safan yihiin.

Xisbiyada Mucaaradka waxyaabaha ay ka cabanayaan waxaa ka mid ah qaabka doorashada looga fulinayo deegaannada iyo waliba xubno ka tirsan guddiga doorashada oo ay u arkaan in aysan caddaalad sameyn karin.

8-da bisha February ayuu qorshuhu ahaa in ay Soomaaliya ka dhacdo doorashada madaxweynaha, balse lama oga sida ay ku hirgali doonto iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin, beesha caalamkuna ay ku talineyso in xal la helo doorashada ka hor.