Gaadiidkii ugu badnaa oo ku xayiran Hiiraan iyo darawal lagu dilay duleedka Matabaan

17

Wararka aan ka heleyno inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in gaadiidkii ugu badnaa ay maanta ku xayiran yihiin, kadib markii la dilay nin darawal ah.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in saakay ay nin darawal ah ku dileen deegaan lagu magacaabo Riiga Ceel-habreed, xilli uu ku yimid magaalada Berbera, kuna sii jeeday Beledweyne.

Dilka marxuumkaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Khadar Xakiin, waxaa lala xariirinayaa aanooyin qabiil oo ka jira deegaanka.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Muumin ayaa ka tacsiyadeeyay dilka maanta loo geystay Maxamed Khadar Xakiin, waxaana uu sheegay in Maamulka gobolka Hiiraan uu ka xun yahay dilalka ka dhacaya inta u dhaxeysa Matabaan iyo Beledweyne.

” Maxamed Khadar Xakiin Allaha u naxariisto saakay ayaa la ii sheegay in la dilay, waxa uu ahaa wiil dhalinyaro ah, qabiil aan aqoon, ahaana wade gaadiid ama darawal. Maamulka Gobolka Hiiraan aad ayuu uga xunyahay falalka noocaas ah. Waxuuna ku baaqayaa in laga wantoobo arimaha noocaas ah, loona diyaar garoobo wadahadal iyo dib u heshiisiin dhab ah,” ayuu yiri Cabdi Muumin oo ah afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan.