Diyaaradii u horeysay oo maanta gargaar geysay Xudur oo wajaheysa go’doon adag

3

Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool waxaa maanta ka degtay diyaaradii ugu horreysay ee sida gargaar bani’aadanimo, taas oo laga diray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Diyaaradda ayaa siday raashinka noocyadiisa kala duwan, waxaana agabkii saarnaa lagu wareejiyey maamulka degmada Xudur, si loogu qeybo dadka ku nool magaaladaas oo wajahaya xaalad bini’aadanimo tii ugu adkeed, kadib markii uu ku adkaaday go’doonka ay geliyeen Al-Shabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maalinkiisii labaad ku sugan magaalada Xudur, waxuuna sheegay inuu u kuur gelayo nolosha dadka magaaladaas.

Lixdii bilood ee lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa go’doonka ku adkeeyey magaalada Xudur iyo guud ahaan gobolka Bakool, waxayna dhowr mar gubeen gaadiid sahay u siday degmooyinka gobolka Bakool, taas oo sababtay in xaalad bini’aadanimo ay ka dilaacdo gobolkaas.