Weerar culus oo ka dhacay saldhig ku yaalla deeganka Hoosingow

8

Wararka aan ka heleyno gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in xalay dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaadeen saldhigga ciidamo ka tirsan AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingow.

Saldhigaas waxaa degan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, kuwaas oo dhankooda ku jawaabay madaafiic kale oo xoog leh, sida ay noo sheegeen dadka ku nool deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ururka Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaas sheegtay inay khasaare ku gaarsiiyeen ciidamadii Kenya ee ku sugnaa saldhigga ay ku weerareen hoobiyeyaasha.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii qarax iyo weerar toos ah oo ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo Kenyaan ah oo marayey inta u dhaxeysa magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose looga dilay illa todoba askari, sida ay werisay warbaahinta gudaha Kenya.