Warbixin: Cali Mahdi oo si qota dheer uga hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka

21

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo wareysi siiyey TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in qadiyadda dadka Soomaaliyeed ay kusii socoto meel aad u halis badan, arrintaasna ay sababi karto in laga dhaxlo cawaaqib darro halis ah, haddii aan waxba laga qaban.

Sababaha arrintaas uga dhawaajiyay Cali Mahdi ayuu ku sheegay in ay tahay khilaafka ka jira hannaanka doorashada dalka iyo hadallada xanafta leh ee hawada leysku marinayo.

Madaxweyne Cali Mahdi ayaa tilmaamay in hadii doorashada dalka ay noqo weyso mid ku dhacda waqtigeeda, 0o ay dhaafto 8-da Febraayo, isla markaana ay dadku sinmaan ay suurta gal tahay inay dhacdo musiibo Qaran iyo umadda Soomaaliyeed oo mar kale kala tagta.