Deni oo amray fulinta go’aanadii xakameynta Sicir- bararka

8

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amray in la dhaqan-geliyo Talooyinka ay soo jeediyeen Guddigii loo xil-saaray xallinta qiima dhaca Shilin Soomaaliga.

Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu Guddiga ku raacay dhaqan-gelinta go’aannada ay soo saareen, si loo xakameeyo sicir-bararka ka dhashay qiima dhaca Shilinka.

“Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku raacay in uu dhaqan galo Talooyinkii ay soo jeediyeen guddigii Arrimaha Sicirka Sarifka ee uu Guddoomiyaha u ahaa Madaxwaynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole.” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Go’aannada Guddigu soo saaray waxaa kamid ahaa; In cashuurta dekadda lagu qabto 20% Shillin Soomaali, in mushaharka shaqaalaha lagu siiyo 20% Shillin Soomaali, in Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) sidoodii lagu celiyo iyo Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.

Sidoo kale, waxa kamid ahaa; in cashuuraha Dowladdaha hoose Shillin Soomaali lagu qaado, in Sarifka uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladdu, in Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada iyo In Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.