Khasaare ka dhashay qarax lala beegsaday saraakiil ka tirsan Danab iyo guddoomiye Siidii

6

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gobolka Shabeellada Hoose lagula eegtay gaadiid ay la socdeen saraakiil Soomaali iyo ajaanib isagu jirta iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabduqaadir Siidii.

Gaadiidkaas oo ka baxay degmada Afgooye, isla markaana ku sii jeeday dhanka saldhigga Ballidoogle ayaa qarax lagula beegsaday deegaanka Tixsiile, waxaana lagu soo werinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur Beeryare, sida ay noo sheegeen ilo dhanka ammaanka ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wafdigan ay la socdeen saraakiil cadaan ah, waxayna xubno ka mid ah kolonyada la qarxiyey ay KNN u sheegeen inay dhaawacmeen illaa afar sarkaal.

Inta la xaqiijiyay afar askari ayaa ku dhimatay ilaa 7 kalena way ku dhaawacmeen qaraxa .

Dadka qaraxan ku dhaawacmay waxa kamid ah Taliyaha ciidamada  Danab Axmed Beer Yare, waxaa kale oo ku jira dadka dhaawacmay saraakiil Mareykan ah.

Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab, waxayna sheegeen in ay ku dileen 4 askari sida ay hadalka u dhigeen.

Weli wax war ah kama soo baxin saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeellada Hoose.