Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada Jubbaland?

20

Shirka Golaha Xukuumada Jubbaland oo uu maanta Shir gudoominayey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qabsoomey hoolka madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Golaha uga warbixiyey Shirarkii Garowe ee xalka loogu raadinayey xaalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka oo meel xasaasi ah xiligan maraya iyo sidookale kulamadii uu madaxweynuhu la qaatey Midowga Musharaxiinta iyo ka qeybgalkiisii Shirkii aragti wadaaga ee Heritage, kuwaas uu Madaxweynuhu sheegay inay kusoo aadeen waqti loo baahnaa natiijo miro dhal ahna ay kasoo baxdey, sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay shirka

Warbixinta Madaxweynaha kadib Wasaarada Ganacsiga ayaa soo gudbisey Xeerar ay nuquladooda la wadaagtey Golaha kuwaas akhrintooda kadib todobaadka danbe golaha lagaga doodi doono.

Xeerarka ay wasaaradu soo gudbisey waxaa kamid ah :

1- Xeerka Maalgashiga Dowlada Jubbaland.
2- Xeerka Shatiyada Ganacsiyada Jubbaland

Sidookale wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Jubbaland ayaa golaha u soo gudbisey nuqulada Sharciga Isgaarsiinta ee Dowlada Jubbaland.