Ciidamada xoogga oo ku raad-jooga maleeshiyaadkii ka dambeeyay dadkii lagu laayay Galgaduud

18

Kadib markii shalay maleeshiyaad hubeysan ay dad shacab ah ku dileen duleedka degmada Balambal ee gobolka Galgduud ayaa waxaa halkaas ka bilaawday howlgallo ay sameynayaan ciidamada ammaanka.

Shan nin oo shacab ah ayaa gelinkii dambe ee shalay hal goob lagu dilay deegaanka Xersi Lugey oo qiyaastii 7-KM u jira magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud, iyadoo laba kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah. Kadib markii rasaas la huwiyey guri ay ku jireen.

Waxaa goobtii uu falkaas ka dhacay isaga baxsaday raggii geystay oo illaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay dilka dadkaas.

Guddoomiyaha degmada Balambal Jaamac Xeyle Maxamed oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in maamulkiisa oo kaashanaya ciidamada ammaanka uu wado howlgallo lagu baacsanayo raggii geystay dilka dadkaas aan waxba galabsan.
Cod

9-kii bishii hore December ayaa meel aan ka dheereyn goobta shalay lagu dilay ragaas waxaa lagu weeraray saraakiil ka baxday Gurceel oo u socotay Balambal, kuwaas oo lix ka mid ah la dilay, waxaana weerarkaas ka badbaaday seddax kale.

Degmada Balambal ee gobolka Galgaduud waxaa ka taagan dagaal beeleed bada dheeraaday, waxayna saraakiishii la dilay bishii hore iyo ragga shalay la dilay kasoo kala jeedeen labada beelood ee halkaas isku haya, mana jirto cid si dhab ah isugu howshay xal u helidda xorguftooda.