Koofur Galbeed oo faahfaafin ka bixisay waxyaabaha looga hadlay kulanka ay yeesheen Lafta gareen iyo James Swan

19

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa uu kulan kula qaatay Wafdi uu hoggaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo Wafdigiisa ay Qeyb ka ahaayeen Madax ka Socday Hay,addaha IOM iyo OCHA

Kulanka ayaa inta uu Socday Waxaa looga Hadlay Arimaha Gargaarka,Saamaynta Ayaxa,iyo Arimaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta gareen ayaa ugu horeyn wafdiga uu hoggaaminayay James Swan ugu mahadceliyay sida qaramada Midoobey ay u garab taagan tahay shacabka iyo maamulka Koofur galbeed

Cabdi casiis Lafta gareen ayaa shaaca ka qaaday in wafdiga ka socday qaramada Midoobey ay ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin Gargaarka,Saamaynta Ayaxa,iyo Arimaha Doorashooyinka.

Wakiilka qaramada midoobey ee arrimaha soomaaliya James Swan oo isna waarbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaramada midoobey ay sii wadi doonto taageerada ay siiso maamulka Koofur galbeed