Maamulka Gobolka Banaadir Oo Loogu Wareejinayo Xarumaha Caafimaadka

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan Agaasimayaasha iyo la-taliyayaasha Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa la kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, waxaana shirka qeyb ka ahaa Ku-Xigeenka Guddomiyaha Arimaha bulshada, Xoghayaha Guud ee Gobalka Benadir iyo Agaasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir. Ujeedada kulanka ayaa ahayd in laga arrinsado Daadejinta Adeeg bixinta Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeenta Wasaarada Caafimaadka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa u xaqiijisay Maamulka Banaadir in Wasaaradda Caafimaadka ay diyaar u tahay sida ugu hufan uguna mudan ay u dadejiso una Wareejiso Adeeg bixinta Caafimaadka Asaasiga ah ee Gobolka Banaadir.

Kulanka kadib ayaa waxay Maamulka Gobolka Bnaadir iyo Wasaaradda Caafimaadku Gudi 2 geesood ah u saareen ka shaqeynta sidii Gobolka Banaadir loogu soo wareejin lahaa Maamulida Xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Gobolka Banaadir.