Gen Odawaa oo booqday saldhigyada ciidamada xoogga ee ku yaala shabeellada hoose

24

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa booqday furimaha hore ee dalka iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellada Hoose.

Gen Odawaa ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, ilaa buu yiri laga ciribtirayo kooxdaasi.

“Waxaa farxad gaar ah inoo ah Booqashada iyo u kuur gelidda Xaaladda ay ku suganyihiin Ciidamada Furinta jooga, waana sii wadi doonnaa baacsiga iyo cirib tirka khawaarijta” ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in wada shaqeyn fiican ay ka dhexeyso ciidamada xoogga iyo shacabka ku nool gobolka shabeellada hoose.

“Waxaan muddo Asbuuc ah kormeer kusoo marnay Difaacyada Ciidanka ay ku suganyihiin ee Gobalka Shabeellaha Hoose, Sidoo kale waxaa wax lagu farxo ah Wada shaqeynta iyo kalsoonida ka dhaxeyso Ciidanka Iyo Bulshada” ayuu yiri Taliyaha qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga