Xaliimo Yarey” Waa inaan dhisano dowlad aan laga maamulin xerada Xalane”

51

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yarey)  Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan  doorashooyinka qaran oo ka hadlaysay shirka Sannadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa sheegtay in ay muhiim tahay inaan dhisano dowlad aan laga maamulin xerada Xalane.

“Walaalayaaloow Wadankaan god ayuu ku sii socdaa 4 sanno xalane ayaan joogeynaa dad ayey dan u tahay inaan Xalane joogno,  dowlad aan xalane laga maamulin aan dhisano” ayay tiri Xaliimo Yarey

Shir sannadeedka garsoorka dalka oo uu furay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qayb galay hay’adaha garsoorka heer Federaal iyo dhamaan hay’adaha garsoorka ee dawlad gobaleedyada.

Qabashada shirka garoorka dalka bilawga sanad waliba oo ah mid qaanuuni ah ayaa maanta iyo berri looga hadlayaa waxqabadka garsoorka Soomaaliya ee sannadkii tegay, caqabadihii lala kulmay iyo sixitaankooda, qorshaha garsoor ee sannadka bilawga ah iyo isku xidhka qaybaha garsoorka ee dalka.