Madaxweyne Lafta-gareen oo billaabay xalinta khilaafka doorashada

15

Madaxweyne Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan (Lafta-gareen) ayaa bilaabay wadahadal uu la yeelanayo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo ka soo horjeeda hannaanka loo wado doorashada Soomaaliya.

Sida ay Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed, madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu bilaabay dedaaladiisa xal u raadinta muranka doorashada Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Lafta-gareen iyo Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland ay kawada hadleen xaalada khilaafka doorashada islamarkaana uu Laftagareen soo jeediyay in ay sheegeen halka uu ka dhici karo kulan dhaxdooda ah, isagoo soo jeediyay Muqdisho iyo Baydhabo midood waxaana la sheegay in aan ilaa hada meel la isku balse aysan jirin muran arintaas ka taagan.

Madaxweyne Laftagareen ayaa hore u qaatay masuuliyada xal u raadin muranka doorashada Soomaaliya oo hadda gaaray meel sare.