Talye Odowaa oo gaarey Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose

19

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage iyo saraakil ciidan  ayaa maanta gaaray magaalaada Marka ee xarunta  gobolka Shabeellada Hoose,  iyadoo halkaasi ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin iyo saarkiil kala duwan.

Taliye Odowaa ka hor tagidiisa magaalada Marka waxaa uu safar dhanka dhulka uuu ku tageyay saldhigyo ciidan isagoon halkaasi kulamo kula qaatay saraakiisha ciidamada Xoogga, waxuuna kala hadlay sidii loo billaabi lahaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billaawda gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Guutada 14-ka Octoober ee ku sugan Magaalada Marka, waxaa uu kala hadlay sidiii Ciidamada ay howlgallo kala duwan uga sameyn lahaayeen degaannada hoostaga Magaalada Marka oo qaarkood ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Tuuloyin iyo degaano katirsan gobolka Shabeellada Hoose waxaa inta-badan ka dhaca,  dagaalo u dhaxeeyo Al-Shaabab iyo ciidanka xooga dalka

Magaalada Marka waxaa dhawaan ku daagaalamay ciidamo ka kala tirsan nabad sugida iyo kuwa milatriga Soomaaliya gaar ahaan 14 october oo halkaas ku sugan. waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.