Lafta-gareen oo la kulmay ganacsatada Koofur Galbeed

18

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa kulan la qaatay xubno ka socday Rugta Ganacsatada Koonfur Galbeed.

Kulanka oo saacado socday ayaa waxaa looga Hadlay caqabadaha Haysta Ganacsatada Koofur Galbeed iyo siidii wax looga qaban lahaa.

Ganacsatada ayaa madaxweynaha kala hadlay xaaladaha binu-aadanimo ee ka jira deeganada Koofur Galbeed, sida qeybo kamid ah gobolka Bakool oo ay ugu horreyso degmada Waajid oo laga sheegayo xaaladda Binu-aadanimo.

Waxaa sido kale kulanka qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Barlamanka Koofurgalbeed, xubno ka Socday Golaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada.