Xasan Sheekh oo ku hanjabay inay tallaabo qaadi doonaan

14

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud kana mid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax aan la abqali Karin ku tilmaamay go’aankii Xukuumadda Soomaaliya & Madaxweynayaasha Saddexda dowlad goboleed ee ahaa in la aadayo doorasho.

Xasan Sheekh oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in, iyada oo ay arrimaha doorashooyinka ka maqan yihiin tabashadoodana aan la xalin Maamulada jubbaland & Puntland  aysan macquul aheyn in doorashooyin ay bilaawdaan.

Waxaa uu si cad u sheegay in hadii dowladda Soomaaliya ay ku adekeysato go’aankeeda ee ah in doorashooyinka ay dalka ka bilaabanayaan in Midowga Musharixiinta dhankooda ay tallaabo qaadi doonaan wallow uusan shaacin nooca ay noqoneyso.

“ Go’aankii halka dhinac ahaa midnimada dalka ayuu khatar gelinayaa, iyada oo la leeyahay dadka qaar waa laga maarmaa ama loo joojin maayo qeybaha kale, Madaxweynaha sidii ruuxaantii dadka yuusan ka soo dhex hadlin ee bannaanka ha yimaado, haddii shalay doorashooyinkii ciidan iyo xoog lagu boobay, tani tii hore waa ka duwan tahay ayuu yiri” Xasan Sheekh.