Musharax Daahir Geelle oo cadeeyay sababta ay u shaacin waayeen liiska Xubnaha NISA ee kujira Guddiyada doorashooyinka

7

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle kana mid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda uu hoggamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Xarunta Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay ee DAN QARAN ayaa waxa uu soo badnhigay saddex qodob ay damacsan tahay dowladda Farmaajo & Saddex laga doonayo inay fuliso.

1: in ay qabato doorasho aan loo dhameyn.

2: in ay ka tagto Maamulada Jubbaland & Puntland

3: in aysan waqtigeeda ku dhicin doorashada.

Halka Saddexda laga doonayo inay fuliso uu ku sheegay

1: In la isugu yimaado shir ballaaran oo looga hadlayo Arrimaha khilaafka doorashooyinka.

2: Doorasho loo dhan yahay

3: Doorasho xalaal ah.

Dhinaca kale Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaciyay sababta ay musharixiinta u soo gudbin waayeen liiska xubnaha ka tirsan NISA ee kujita Guddiyad doorashooyinka lagu muransan yahay, kadib markii dowladda ay dalbato.

Waxaa uu sheegay in ay tahay mas’uuliyad darro in la soo bandhigo  xubnaha NISA ka tirsan ee Shaqada adag haaya ee cadowga dagaalka kula jira in Magacyadooda la gudbiyo.

“ Waa mas’uuliyad darro mukhaabaarad NISA ayaa kujira Xubnaha, oo ma waxaa nagala doonayaa in mukhaabaaradka Shaqada adag haaya ee Gobolada Cadowga ka howlgalla inaan magacyadooda soo gudbino,  ama aan warbaahinta ka sheegno oo dhalinyaradaas cadowga u loogno ayuu yiri” Daahir Geelle.

Ugu dambeyn Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay taqaano dadkii ay soo magacaawday lagana doonayo inay ka saarto kuwa Shaqaalaha dowladda ah iyo kuwa ka tirsan NISA.