Weerar mas’uuliyiin lagu dilay oo ka dhacay caasimada Afghanistan

22

 Illaa iyo 5 ruux oo uu ku jiro afhayeenkii wasaaradda illaalinta bulshadda Afghanistan ayaa ku geeriyootay qarax maanta ka dhacay caasimada dalkaas ee Kabul.

Qaraxaan oo ahaa miino wadada la dhigay ayaa lagu qarxiyay gaadiid uu la socday afhayeenka geeriyooday oo la oran jiray Siyaa Wadan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan Taariq Ariyan ayaa sheegay inuu jiro khasaaro soo gaaray dad rayid ah oo goobta ku sugnaa waxaana uu intaa ku daray qaraxu dhacay xilli hore oo saaka ah oo wadooyinkuna ciriiri ahaayeen.

Willi cid ma sheegan mas’uuliyadda weerarka maanta oo sidoo kale ay ku dhawaad 10 ruux ku dhaawacmeen.

Tan iyo bishii November ee sanadkii hore weerarada qaraxyada ah joogto ayay ka noqdeen caasimada Afghanistan ee Kabul ayadoo williba wada hadal u socdo dawlada iyo ururka hubeysan ee Taliban oo dalkaas ka dagaalama.