Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si adag uga jawaabay go’aankii XF iyo hadalkii Qoor Qoor

5

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa lagu sheegay in siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ay aad uga xunyhiin tallaabadii ay xukuumadda federaalku dalka ku gelisay doorasho aan heshiis lagu aheyn.

“Waxaan halkan ku cadeeyneynaa in haba yaraatee aysan waxba ka jirin hadalka Madaxwayne Qoor Qoor ee ah in naloo soo celiyey jawaab tanaasul ku jiro, shirkii Garowe kadib majirto cid noola timid wax heshiis iyo wadahadal ah, oo la xariira arrimaha doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland ” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Qoraalkan ayaa looga digay khatarta ka dhalan karta hadii dalka laga qabto doorasho aan heshiis lagu aheyn “Taas oo kadii ay dhacdo dhabar-jab ku noqon doonta midnimada dalka,wadajirka umadda iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya” sida lagu yiri warkan.

Hoos ka akhriso qoraalka