Dowladda Kenya oo war ka soo saartay qarax lala eegtay ciidamadeeda

6

Ciidamadda dalka Kenya ee ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, ayaa waxaa lala eegtay weerar qarax , sidda ay ku warantay warbaahinta maxalliga ah ee waddankaas.

War qoraal ah ka soo baxay taliska Ciidamada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi qaraxa ah looga dilay ugu yaraan afar askari, halka sideed kalena ay uga dhaawacmeen.

Kenya ayaa shaacisay in qaraxaas lala bartilmaameedsaday ciidamada, xilli ay ku safrayeen wadada dheer ee Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale Al-Shabaab oo war ka soo saaray qaraxan ayaa sheegay in 5 askari oo kamid ahaa ciidamada Kenya ay ku dileen weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa weeraro isugu jiro miinooyin iyo kuwa toos ah la eegta ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.