AMISOM oo miino baaris ka billaabeysa wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

17

Ciidamada AMSOM ayaa sheegay in ay tababar socday 5 todobaad ay usoo xireen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM si looga hortago weerara miinooyinka dhulka lagu aaso ee lala bartilmaamesado ciidamada AMISOM iyo kuwa Miliriga Soomaaliya ee ku socdaalaya wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Bayaan ay AMISOM ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in deegaanka Carbiska uu ka dhacay tababarkaasi oo la siiyay ilaa 40 askari  si joogto ah baaritaan ugu sameenaya wadadaasi dheer si loo ilaaliyo nabad galyada socdaalka iyo sidii ay ugu fududaan lahayd inay sanadaha hubka iskugu gudbiyaan iyo raashinka sidoo kalena loo ilaalin lahaa dhaq dhaqaaqyada gawaarida dadka rayidka ah.

AMISOM waxa ay sheegtay in bambaanoyinka wadada dhinaceedi lagu aaso iyo kuwa boodaba uu yahay hubka ay hadda ugu jecelyihiin dagaalamayasha Al-Shabaab kaa oo inta badan wadooyinka muhiimka ah ee waa weyn ee dhinac ka dhigaan kuwana ay ku aasaan oo bartilmaamed kaga dhigtaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda balse inta badana ay waxyeelo kasoo gaarto dadka rayidka ah.

AMISOM waxa warkoodi kusoo gaba gabeeyeen in dhibaatada ugu weyn ay la kulmayaan ay tahay miinooyinkaasi taa oo soo dadejisay in qaar kamid ah askartoodi u diyaariyaan la socodka iyo nabad galyada wadooyinka ay ku socdaalayaan.