Wanla-wayn: Dagaal u dhaxeeya guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa oo ka dhacay degmadaasi

13

Wararka ka imanaya degmada Wanla-weyne ee gobolka Shabellada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi hadda uu ka socdo dagaal qarar kaasi oo la sheegay inuu u dhaxeeyo maamulka degmada Wanla-weyn dhexdooda.

Guddoomiyaha degmada iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmadaasi ayaa la sheegay inuu dagalka u dhaxeeyo islamakraana ay isku qabteen sida dadka deeganka ay kulmiye usheegeen isbaaro la dhigay gudaha degmada.

Isbaarada ayaa la tilmaamay inuu dhigay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada wanla-weyne arrintaasi ayaa waxaa kazoo horjeestay guddoomiyaha degmada sida ay dadka inoo sheegeen.

Inta la ogyahay laba ruux ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay dagaalka hayeeshee aan la ogaan Karin qasaaraha dhabta ah maadaama dagaalka socdo.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka dhacay suuqa degmada wanla-weyne oo ku yaalla xaafadda muuri dadka ka agdhow halkaasi ayaa sheegay in cabsi xooggan ay dareemayaan.