Maxaa looga hadlay kulankii Qoor Qoor iyo James Swan?

40

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin dadaallada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka, iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Shalay ayey aheyd markii James Swan oo qadka internetka kula xariiray madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Cali Guudlaawe iyo James Swan ayaa kulankoodii shalay uga wadahadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan kuwa doorashooyinka iyo sidoo kale caqabadaha ku hor gudban maamulkiisa.