Amiirka Qatar oo sanado kadib Sacuusiga uga qeyb galaya shirka dowladaha Khaliijka

13

Madaxda dawladaha ku jira golaha Khaliijka Carbeed ayaa ku kulmaya dalka Sacuudiga maanta ayadoo ay ka qeyb galayaan madax ka socota dalka Qatar markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2017-kii.

Kulankaan oo looga hadlayo arrimaha gobolka ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan dawladaha golahaan ku jira oo u badan dawladdihii 3 sanno ka hor xiriirka u jaray dawlada Qatar.

Wafdiga Qatar ka socda ee Sacuudiga shirkaan uga qeyb galaya waxaa hogaaminaya boqorkooda Sh, Tamiim Bin Xamad Al-Thani.

Dawlada Kuwait ayaa xalay sheegtay inay ku guulaysatay in Sacuudigu uu xaduudaha oo dhan furay Qatar qorshuhuna yahay in dib loo soo celiyo xiriirkii Qatar iyo dawladaha gacanka ee go’ay bishii June 2017-kii.

Dawlada Masar ayaa iyana sheegtay inay hawada u furayso diyaaradaha Qatar sida lagu qoray wargeyska Al-Carabiya ee Qaahira kasoo baxa.