Dhul gariir ku dhuftay Magaalada Boorama

20

Wararka ka imaanaya magaalada Boorama ayaa sheegaya in Dhul-gariir xoogan oo gabi ahaanba gil-gilay magaaladaasi, kaasi oo sameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Dadka deegaanka ayaa markabley  u sheegay in shacabka ay soo wajahday cabsi, iyagoona xalay ka baxeen guryahooda.

Waxaana xusid mudan in Dhul-gariirkii xalay ku dhuftay magaalada Boorama laga dareemay deegaanada ka agdhow magaaladaasi.

Ilaa iyo hada lama oga inuu jiro khasaare ka dhashay Dhul-Gariirka.

Dhanka kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Soomaaliland.