Qaxooti ay Soomaali ka mid tahay oo ku dhibaataysan xadka Bosnia iyo Croatia.

24

Waxaa laga dayrinayaa xaaladda ay ku nool yihiin Muhaajiriin ku jirta xerada qaxootiga Lipa eek u taal xadka dalalka Bosnia iyo Croatia oo ka mid ah dalalka Qaarada Yurub.

Dadka halkaasi ku dhibaataysan oo tiradooda gaareyso ilaa 3,000 oo qof ayaa waxaa la sheegay inay ku jiraan dad Soomaali ah iyo dad kale oo u dhashay qaar kamid ah dalalka Afrika.

Qaxootigaan ayaa waxaa dab uu qabsaday Xeradii ay ku noolaayeen,taas oo keentay in xaalad nolol xumo ay soo wajahdo, isla markaana ay waayaan meel ay seexdaan.

Hay’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa ugu baaqday dowladaha Midowga Yurub in ay deg deg wax ugu qabtaan xaaladda daran ee haysata dadkaasi xilli uu jiro qabow aad u daran.