Dibadbax looga soo horjeedo dil ay booliska Minneapolis u gaysteen wiil Soomaali ah oo ka dhacay halkaasi

11

Soomaali iyo dad kale oo badan ayaa waxa ay isugu soo baxeen magaalada Minneapolis ee gobolka Minnessota halkaas oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihin wiil Soomaali ah oo magaaladaas ay boolisku ku toogteen.

Dadka isu soo baxay ayaa dalbanayay in qoyska Doolaal Ciid ay cadaalad helaan, iyo in mustaqbalka aanay middaas oo kale soo laaban.

Waxa ay sheegeen in carruurtooda ay u cabsanayaan, sidaas daraadeedna aanay ka tagayn waddooyinka illaa wax laga qabto dilka Doolaal.