Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku riday askari dil ka geystay Beled-Xaawo

13

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysay dacwadda Cumar Aadan Xuseen oo loo heysto dilka Marxuum Abuukar Saalax Xareed Cadow oo 5-tii bishii May sanadkii hore ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee gobalka Gedo.

Cumar Aadan  ayaa lagu eedeeyey in xilli ay taagneed kala aragti duwanaasho soo kala dhex gashay ciidamo ka kala tirsan booliska iyo militeriga Soomaaliya kuwooda ku sugan Beled-Xaawo uu xabad ku dhuftay Marxuum Abuukar Saalax oo ahaa wade mooto Bajaaj. Sida ay xeer ilaalintu ka hor sheegtay maxkamadda.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in dil toogasha ah lagu xukumo Cumar Aadan Xuseen, taas oo ah khisaasta Marxuum Abuukar Saalax Xareed Cadow, sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xukunsane Cumar Aadan Xuseen  uu haysto fursad uu ku dalban karo racfaan muddo ku siman 30-cisho.