Ciidamada PSF oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan G/Bari

13

Ciidanka Amniga Puntland ee loo yaqaan PSF, ayaa shaaciyay in ay hawgal qorshaysan oo ka dhan ah kooxda Daacish ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan buuraleyda Calmiskaat ee Gobolka Bari.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook ee ciidanka PSF, ayaa lagu sheegay hawlgalkaas laga fuliyay tuulooyinka Timirshe &Tuurmasaale iyo dhulka buuraleyda IlCamayra.

Qoraalka laguma sheegin, haddii ay jiraan cid ka tirsan Daacish oo hawlgalka lagu dilay ama lagu qabtay, balse keliya waxa la xusay degaannada hawlgalkaas ka dhacay.

Sidoo kale PSF, waxay tilmaantay in dadka degaanku ay ka mahadceliyeen hawlgalka, maadaama ay cabsi xooggan ka qabaan kooxda Daacish oo halkaas si dhuumaysho ah ku timaadda.