Musharax Shaaciyay Sababta Puntland Iyo Jubbaland U Khilaafsan Yihiin DFS

19

Musharax Madaxweyne Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ka hadlay sababta loo fulin la’yahay heshiiskii laga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa ee xiligaan uu khilaafka ka taagan yahay.

Mustaf Dhuxulow ayaa waxaa uu sheegay in heshiiskaas laga gaaray Doorashada uu hirgeli waayay mas’uuliyad darro siyaasadeed iyo is aamin la’aan darteed, isagoona sababta keentay arrintaas uu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in uusan ugu tala-gelin in isaga iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka iska fahmaan arrimaha siyaasadda dalka oo uu xusay in muhiim ay aheyd in laga wada shaqeeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayuu ku eedeeyay inuu ka shaqeeyay si markale dib loogu soo doorto, isla markaana uu keensaday Madaxweyneynayaal maamul Goboleed oo ka cabsanaya, isagoo tusaale u qaatay Madaxda maamulada KGS, Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaasi oo sheegay inay aad ugu dhow yihiin Madaxda dowladda.

Sababta maamulada Puntland iyo Jubbaland ay isku hayaan Madaxda dowladda ayuu ku sheegay Mustaf Dhuxulow inay tahay in Madaxda xiligaan talada dalka heysa ay kala shaqeyn waayeen sidii mar kale dib ugu noqon lahaayeen.

Hadalkaan ayuu Musharax Madaxweyne Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ka sheegay Shirka Machadka Cilmi baarista  ee Heritage ee  ka socda Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.