Mas’uuliyiin Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Safiir Salaad Cali Jeelle

0

Allaha u naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ku geeriyootay Hooyadii dhashay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti Salaad Cali Jeelle.

Geerida ku timid Hooyo Xaabiibo Cafiif Xundubey ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda iyo siyaasiyiin, iyagoona tacsi tiiraanyo leh u diray Salaad Cali Jeelle iyo qoyskii ay ka baxsay Xaabiibo.

Mas’uuliyiinta ka tacsiyeeyay geerida ayaa waxaa kamid ah Wasiirka amniga Xukuumadda Xasan Xundubey Jimcaale, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Qunsulka Safaarada Soomaliya ee Jabuuti, Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Gobalka Banaandir iyo Guddoomiyaha Warbaahinta Dalsan Media Group Maxamed Cajiib.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta tacsida u diray Safiir Salaad ayaa waxaa ku jira Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Cadde Gabboow, Wasiirkii hore ee amniga Ducaale, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, siyaasiyiin, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Dhammaan dadkaas ayaa Alle uga baryay Xaabiibo Cafiif Xundubey inuu Janada ka waraabiyo, Simar iyo iimaana Alle kasiiyo qoyskii, Eheladii iyo qaraabada ay ka geeriyootay Marxuumad  Xaaboibo oo saaka ku dhimatay Magaalada Muqdisho.