Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Magaalada Garoowe

16

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa Maanta lagu soo geba-gabeeyay shirka Madasha aragti Wadaaga ee Machadka Heritage, kaas oo socday muddo Saddex Cisho ah.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka, guddoomiyeyaasha labada Aqal, Saddex kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada, xubno kamid ah Midowga Musharixiinta, Urrurada Bulshada rayidka & xubno kale.

Madasha oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 700 oo ruux ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka, amniga, dhameystirka Dastuurka dalka & qabashada doorasho qof & cod ah marka la gaaro sanadka 2025 & yagleelida dowlad Shaqeysa, waxaana laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban  Shan qodob.