Madaxweyne Mustafe Cagjar oo si adag uga hadlay ciidamo looga dilay gobolka Siti

99

Madaxweynaha dowlad deeggaanka gobolka Soomaali-Galbeed Mustafe Muxumed Cagjar oo warbaahinta ku hadlay magaalada Jigjiga ayaa si kul uga hadlay ciidan ka tirsan Booliska deegaankaas oo lagu galbeedka hobolka Siti oo ay ku muransanyihiin Soomaalida iyo qowmiyadda Canfarta ah ee Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay ciidamadii lagu laayay gobolka Siti, kuwaas oo uu sheegay inay difaacayeen dad Soomaaliyeed oo deegaankooda xoogga lagu heysto.

Maamulkii kan ka horeeyey ee madaxweyne Cabdi Iley ayuu sheegay Mustafe Cagjar in si sharci darro ah uu u bixiyey dhulkaas oo dadkii Soomaaliyeed ee lahaa aysan raali ka aheyn.

Madaxwaynuhu waxa kale oo uu sheegay inay xukuumadiisu ku howlan tahay soo celinta dhulkaas uu sheegay inay xoog ku heysato qowmiyada Canfarta Itoobiya.

In ka badan 5oo oo qof oo shacab u badan ayaa ku dhafwaayey colaada u dhaxeysa qowmiyadaha Canfarta iyo Soomaalida Itoobiya, taas oo salka ku heysa la haanshaha gobolka Siti, kaas oo la aaminsanyahay in asalkiisii ay Soomaalidu laheyd.