Dowladda Itoobiya oo shaacisay magacyada saraakiil sare oo ay ka dishay Tigray

20

Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Itoobiya ayaa soo saartay liiska saraakiil ay sheegtay in laga dilay xisbiga Tigray-ga ee TPLF.

Saraakiishaas ayaa ku dhintay howlgalkii dhawaan ay milatariga Itoobiya ka fuliyeen gobolka Tigray, sida ay wasaaraddu sheegtay.

War bixinta ay mas’uuliyiinta wasaaradda difaaca soo saareen ayaa lagu sheegay in ragga la dilay uu ku jiro Korneyl Yemane Gebremichael, kaasoo lagu eedeynayo in uu hoggaaminayay wax ay wasaaraddu ugu yeertay “xasuuqii Mai Kara”.

Wasiirkii hore ee Gaadiidka ee dowlad goboleedka, Mulu Gebregziabher, ayaa isagana lagu qabtay howlgalka ay sida wadajirka ah u fuliyeen ciidamada difaaca Itoobiya iyo booliska federaalka.

Madaxa howlgallada ee wasaaradda difaaca Itoobiya, Janaraal Tesfaye Ayelew, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay liiska saraakiisha TPLF ee lagu dilay howlgalka, kuwaasoo uu sheegay in markii ay isdhiibi waayeen la laayay.

Liiska ayaa waxaa ka dhex muuqday ku dhawaad 20 sarkaal oo magacyadooda lasoo bandhigay.