Al-Shabaab oo weerar dad lagu dilay ka fuliyey gobolka Bakool

13

Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dad saarnaa gaari qaad siday.

Gaarigaas ayaa la sheegay inuu marayay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Inta la xaqiijiyay 4-qof oo isugu jira askar iyo ganacsato ayaa lagu dilay weerarkaas, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen KNN.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool iyo guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ku aadan weerarkaas dadka lagu dilay.