Faah-faahin: Khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Lafoole

8

Inta la xaqiijiyey seddax askari oo ka tirsanaa ciidanada booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo barqadii maanta ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Lafoole iyo Xaawa Cabdi ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo kale ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo Turki ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaas, kuwaas oo loola soo cararay isbitaalada magaalada Muqdisho.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo war ka soo saaray weerarkaas ayaa sheegtay mas’uuliyadiisa, waxayna sheegeen inay ku dileen sarkaal Turki ah, isla markaana ay ku dhaawaceen laba kale iyo askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa beegsaday shaqaalihii Turkida ee dhisayey wadada laamiga ah ee xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ka dhashay sida aan xogta ku helnay dhimashada askar ka tirsaneyd ciidanka Haramcad.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamadu ay rasaas ku fureen qofkaas inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa, taas oo sida ay noo sheegeen saraakiil dhanka ammaanka ah yareysan khasaaraha