UK Oo Si Rasmi Ah Uga Baxday Midowga Yurub

4

Ku dhawaad 50 sano oo UK ay qeyb ka ahayd midowga Yurub ayaa xalay soo afjarantay kadib markii ay si rasmi ah uga baxday .

11:00PM waqti UK jimcihii xalay ayaa waxaa soo idlaaday 11 bilood oo ahaa waqtiga kala guurka .

Sanadkan 2021 ayaa curtay iyada oo UK ay banaanka ka joogto xeyndaabka midowga Yurub .

UK kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurub ka yimaada ay joogi kareen kana shaqeysan jireen UK iyagoo aan dal ku gal u baahneyn.

Ra’isulwasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.

Madaxweynaha faransiiska ayaa sheegay in UK ay ahaan doonto saaxiib iyo isbaheysi.

Sanadkii 2016 ayaa afti shacabka laga qaaday waxay u codeeyeen in UK ka baxdo dalada midowga Yurub UK waxay ururkan ku biirtay 1 Janaayo 1973