Maxaa looga hadlay kulankii Xasan Kheyre iyo Mahdi Guuleed?

9

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay kulan gaar ah magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal kula yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre.

Kulanka oo ahaa mid is xog-wareysi ah ayaa yimid, kadib markii uu Mahdi Guuleed booqasho ku tegay hoyga uu Khayre ka dagan yahan gudaha magaaladaasi.

Labada mas’uul oo muddo soo wada-shaqeeyey, isla markaana ahaa saaxiibo ayaa ka wada-hadlay arrimaha dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Sidoo kale Mahdi Guuleed iyo Khayre ayaa kulankooda oo saacado badan qaatay ku soo qaaday arrimaha doorashooyinka dalka iyo sida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan.

Waa kulankii ugu horreeyey ee dhex-mara ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo Musharrax Xasan Cali Khayre, tan iyo markii la riday xukuumadii ra’iisul wasaare Khayre.

Shirka madasha aragti wadaagga oo ay ka qeyb gelayaan labadaan masuul, isla markaana uu soo agaasimay Mahcadka Heritage ayaa maanta ka sii soconaya magaalada Garowe, waxaana lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo gelinka dambe ee maanta illaa caawa.