Muuse Biixi oo soo saaray farriin khusaysa curashada sannadka cusub ee 2021-ka

23

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa curashada sannadka Cusub ee Miilaadiga ee 2021-ka awgeed wuxuu Hambalyo u diray Shacabka Somaliland iyo bulshada caalamka.

Dhambaal Hambalyo ah oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2021-ka awgeed, kuna beegan Jimcaha 01/01/2021-ka uu hambalyo u dirayaa dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta beesha caalamka.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu hambalyo iyo salaan u dirayaa dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda, goleyaasha qaranka iyo guud ahaan Shacbiga  Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Somaliland Alle uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash iyo horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland wuxuu Shucuubta Caalamka u rajeynayaa in Sannadka 2021-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo xasillooni iyo horumar waara.