Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Qaraxyo ka dhacay Yemen

5

Wasaarada Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay Qaraxyo ka dhacay Garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Yemen halkaasi oo ay ku dhinteen mas’uuliyiin dowladeed iyo shacab ah.

War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay shacabka Yemen uga tacsiyaynayaan dhibaatada soo gaartay.

Qaraxyadda ayaa ka dhacay Magaalada Cadan ee Yemen waxaana lala beegsaday diyaarad siday xubnaha golaha Wasiirada Yemen.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerar seddex qaraxyo ah lagu beegsaday shalay gelinkii dambe oo Arbaco ahayd (30 December) gegidda diyaaradaha ee Cadan ee Jamhuuriyadda Yemen, xilli ay soo caga-dhigatay diyaarad siday xubnaha Xukuumadda cusub ee Yemen, waxaana uu sababay geerida iyo dhaawaca tobaneeyo ruux oo rayid ah”ayaa lagu yiri warka dowladda.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay xaqiijinaysaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay garab taagantahay Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Yemen, waxa ayna tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehellada dhibanayaasha, iyadoo caafimaad-qab degdeg ah u rajaysay kuwa ku dhaawacmay”