Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo la kulmay Safiirka dalka Ingiriiska

10

Guddoomiyaha guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka Maxamed Xasan Cirro ayaa kulan la qaatay Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Guddoomiyaha ayaa kulankiisan uu maanta la qaatay Safiirka Ingriiska ee Soomaaliya waxaa ku wehlinayay xubno kale oo ka tirsan guddiga.

Waxa ay ka wada hadleen hawlaha u diyaar garowga doorashooyinka iyo sidii ay guddigu uga shaqayn lahaayeen, iyo sidoo kale sii dar dargelinta hawlaha guddiga ee arrimaha doorashooyinka Qaran.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho ku dhacda jawi nabdoon iyo xasilooni.

Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro iyo xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa maanta la kulmay Danjiraha Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa wada hadalladooda diiradda ku saaray diyaar garawga hawlaha haatan socda ee Guddiga iyo dardargelinta guud ahaan hawlaha la xiriira arrimaha doorashooyinka si dalku uga dhacdo doorasho hufan oo waqtigeeda ku qabsoonta.