Al-Shabaab oo dad shacab ah ka afduubtay deegaan ka tirsan Galgaduud

23

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ay Al-Shabaab dad ka afduubteen deegaan ka tirsan gobolkaas.

Deegaan lagu magacaabo Burujeed oo qiyaastii 70km u jira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ka afduubteen mid ka mid ah dadkii deegaankaas.

Warbaahinta ayaa waxa ay u sheegeen dadka deegaanku, in qofkan shacabka ah uu watay gaari nooca raaxada ah xilligii ay afduubanayeen Al-Shabaab.

Sababta ka dambeysa ayaan la ogayn, balse AL-Shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waca ay dad uga afduubteen deegaanno ka tirsan gobolkan.

Majiraan war ka soo baxay maamulka Galmudug iyo dadaallo ay ku soo furanayaan qofkan la afduubtay, taas oo dadka deegaanka Burujeed ay ka walaacsan yihiin.