DFS oo ciidamo ay tababartay ku wareejisay Puntland

2

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay maamulka Puntland ku wareejisay ciidamo ay tababartay.

Ciidamadan ayaa waxa ay si gaar ah uga shaqayn doonaan deegaannada maamulka Puntland, gaa ahaan dhinac hagidda gaaddiidka ee Taraafikada.

Taliyaha Ciidamada  Booliska maamulka Puntland Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) iyo Saraakiil kale ayaa ciidamadan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha magaalada Garowe.

Taliye Cabdi Yare ayaa warfidiyeennada u sheegay in ciidamadan ay dawladda Soomaaliya ka caawisay in tababar qaatay mudo Shan bilood ah, kuwaas oo ay ku soo qaateen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu sheegay taliyuhu in wax badan ay ka qaban doonaan ciidamadan hawlaha Taraafikada ee deegaannada maamulkaasi, isagoo uga mahadceliyay dawlada Soomaaliya.