Golaha Shacabka oo meelmariyay sharciyo maanta la horgeeyay

18

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku qaatay magaalada Muqdisho, iyagoo ansixiyay inta badan ajendayaashii maanta laga doodayay.

Kulankii maanta ayaa waxaa shir guddominayey guddomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad , waxaana laga doodayay Saddex ajende oo kala ahaa:

1.Akh.1aad  ee saddexda Heshiis ee kala ah Qaramada Madoobay, Midowga Afrika 146 iyo Carabta 145  ee la dagaalanka iyo ka hortagga Musuqmaasuqa .

2. Akh.2aad Hindise sharciyeedka Qaxootiga.

3. Akh.2aad ee Hay’addaha aan Dawliga Ahayn  (NGO).

Waxaa ay maanta mudaneyaasha Baarlamaanku ansixiyeen ilaa Labo ajende oo ka mid ahaa ajendayaashii maanta oo kala ah kan heshiiska Qaramada Midoobey oo ay u codeeyeen 146 mudane, majirin mudane diiday ama ka aamusay.

Sidoo kale heshiisyada Midowga Afrika Iyo Carabta ee la dagaallanka musuq maasuqa ayaa waxaa u codeeyay 145 mudane, Labo mudane ayaa diiday, halka mid kalena uu ka aamusay.

Dhinaca kale waxa ay kulankii maanta Goluhu ay akhirintii Labaad ku marsiiyeen hindise sharciyeedka Qaxootiga.

Halka ajendihii hay’adaha aan dawliga ahayn ee NGO-ga akhrintiisii Labaadna dib loo dhigay.