R/wasaare ku xigeenka dalka oo ka qeyb galaya shir maanta ka furmaya Garoowe

12

Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ka furmaya shirka madasha aragti wadaagga sanadlaha ee uu soo qaban qaabiyey Machadka Hiratage, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka & doorashada.

Shirweynahan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar), qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka, guddoonka labada aqal,xubno ka mid ah musharraxiinta mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka.

Madasha aragti wadaagga oo qaadan doonto saddex cisho ayaa waxaa sanadkan diirada lagu saarayaa sidee 2025 looga bixi karaa Kumeel gaarnimada iska socota?, si dalka u helo Dastuur dhameystiran, doorasho qof iyo cod iyo nidaam federaal oo shaqeynaya.

Sidoo kale madaxda ka qeyb-galeysa shirkan sanadlaha ah oo isugu jiro mucaarad iyo muxaafad ayaa xalay yeeshay kulamo hordhac ah oo isku wareysteen dhinacyadaasi