Mareykanka oo sheegay in wadaxaajood uu u furaya DFS iyo Al-shabaab

15

Warbixin kasoo baxday Dalka Mareykanka ayaa shaaca looga qaaday in sii hayaha xilka wasiirka Difaaca dalka Mareykanka Karistofar Miller loo xilsaaray inuu bilaabo qorshaha wadaxaajood lala furo dagaalameyaasha Al-shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-qaacida ayna dowladda Qatar noqoto mid dhex dhexaadintaasi gogosheedi fidisa.

Jariidada New York Times ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa daabacday
Kash Batel oo horey usoo noqday kuxigeenka Kaaliyaha Madaxweynaha Mareykanka ee arrimaha la dagaalanka Argagexisada e Golaha amniga Qaranka ayaa soo dhoweeyay in Mareykanka uu hadda u jiheysto inuu wada xaajood la furo Al-shabab waxaana uu tilmaamay inay suurtagal noqon karto in dowladda Qatar ay soo dhoweyso.

Madaxweynaha xilka kasii degaya Donald Trump oo magacabay wasiirka Difaaca Miller kadib markii Mark Isber Wasiirki hore ee Difaaca Mareykanka uu is casilay ayaa booqasho ku yimid Somalia waxaana uu la kulmay askarta halkaan ka joogta.

Jariidada New York Times ayaa sheegtay in iyadoo ay jirto kabixitaanka Ciidanka Mareykanka haddana wasiir miller inuu doonayo sii wadida wada hadal loo furo Xukuumada Somalia iyo Dhaqdhaqa Al-shabab oo ay Qadar garwateen ka tahay, La taliyaha dhinaca amniga Qaranka mareykanka Robert Obrin ayaa la tilmaamay inuu ka warhaayay safarkii Miller uu ku tagay Doxa in arimahaas wada xaajoodkaasi quseeya lagala hadlay Mas’uuliyiinta Doxa.

Miller ayaa quburada Gobolka ku tiriyaan inuu yahay qof aan sidaa uu lahayn khibrad diplomasiyadeed oo lagu xalin karo arimaha sidaasi u xasaasisan