DFS oo sheegtay in Beled xaawo lagu qabtay rag siday lacag ka timid Imaaraatka.

2

Wararka ka naga soo gaaraya xaduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in ciidamada xoogga ay gacanta ku dhigeen rag siday lacag laga keenay Imaaraadka carabta.

Saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay in labo nin iyo lacag ay sideen gacanta ku dhigeen.

Taliyaha ciidamada xoogga u xil saaray DFS ee degmada Beledxaawo oo la hadlay KNN ayaa sheegay in lacagtan la doonayayay in lagu carqaladeeyo arrimaha doorashooyinka Soonaaliya.

Saraakiisha Ciidamada xoogga ee ku sugan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada , islamarkaana ay diyaar u yihiin u yihiin in ay ka hortagaan wax walbo oo khal khal gelinaya amniga dalka