Khasaare ka dhashay qaraxyo ka dhacay koofurta iyo waqooyiga Muqdisho

18

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale.

Qaraxaas oo ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Kaaraan ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa sheegay in qaraxaas lala eegtay gaari uu leeyahay Muxudiin Xasan Afrax oo ah xildhibaan hore ahna siyaasi si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho.

Xiligaas waxaa la sheegay in Muxudiin uusan la socon gaariga, isla markaana qofka dhintay uu ka mid ahaa ilaaladiisa, waxaana ku dhaawacmay qof kale.

Dhinaca kale dad ku sugan degaanka Weydow ee koonfurta Muqdisho ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay qarax ay ku dhaawacmeen dhowr qof, mana jirto dhimasho ka dhalatay qaraxaas, sida aan ka soo xiganay ilo dadka degaanka ah.